Dowladda Eritrea oo sii daysay 80 Ethiopian ah.

Dadkaasi oo ahaa Xoogsato ayaa la sii daayey, kaadib, markii ay Dowladda Sudan dadaal u gashay sii-daynta dadkaasi oo dhawaan laga soo qafaashay Gobalka Tigreeyga ee Waqooyiga Ethiopia, kuna dhow xuduudka Eritrea.

WargeyskaThe Sudan Tiribune ayaa qoray in Dadkaasi oo ahaa Xoogsatadda Dahabka ayaa dib loogu celiyey dalkooda hooyo, iyagoo sii maray dalka Sudan.

Ma aha afduubkii ugu horreeyey ee ka dhaca xuduudka dalalka Ethiopia iyo Eritrea, iyadoo Ciiddanka Eritrea afduub nooc ah ku soo qafaasheen in ka baadan 100 macdan-qodayaal Ethiopian sannadkii 2012-kii.

Milliteriga labadaasi dal waxaa dhex maray iska horimaad socday muddo 2 sanno, iyadoo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 70-kun oo qof.

Xigasho: Sudan Tribune

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor