Dowladda Canada oo Ka Hadashay Wiil Soomaali Ah oo Ku Biiray Daacish

Warbaahinta Dalka Canada Ee CBC ayaa Shaacisay in Wiilkii Afaraad Ee Soomaali ah inuu ku biiray Kooxda Daacish,Wiilkas oo ka tagay Magaalada Edmonton Ee Dalka Canada.

Cumar Adan oo Soomaali ah ayaa ku noolaa Magaaladda Edmonton ka hor inta uusan u aadin Waxbarashada Diinta Islaamka Dalka Masar Sanadkii 2013kii.

Dhowr Bilood kadib Safarkiisa Masar waxa uu qoyskiisa kala soo hadlay Dalka Suuriya.

Ehelka Cumar Adan ayaa Warbaahinta CBC Ee Dalka Canada u sheegay in Uu ka shaqeyn jiray Xarunta Fort Mcmurray,Halkas oo ay aaminsan yihiin Qoyskiisa in Xagjir looga dhigay Wiilkooda.

Cumar Adan ayaa noqonaya Qofkii Afaraad ee kamid ah Soomaalida ku nool Magaaladda Edmonton oo ku biiray Kooxda Daacish.

Waxa jira in kabadan 160 qof u dhashay Dalka Canada oo Dagaal u aaday Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Horaantii Sanadkan Warbaahinta CBC ayaa tabisay in Seddex qof oo Soomaali Ilmo adeer ahaa lagu dilay Dalka Suuriya waxana ay Dalkasi tageen Bishii October 2013kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor