Dowladda Burundi oo sheegtay inay ka feejigan yihiin weeraradda Alshabaab

Afhayeen u hadlay Dowladda Burundi ayaa sheegay inay ka war hayaan Digniinta ay Alshabaab ku muujiyeen Muuqaalkii Video-ga ee ay dhawaan ku sheegeen inay weerari doonaan dalalka Burundi iyo Uganda.

Afhayeenka Dowladda Burundi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey International Business Times ee ka soo baxa magaalladda London ee dalka Britain waxa uu tilmaamay inay Wasaaradda Ammaanka Burundi si gaar ah ula socdaan Hanjabaadaha Alshabaab, lagana horegi doono.

Afhayeenka waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahino dheeraad ah ka bixiyo arrintaasi.

Dagaalamayaasha Alshabaab oo Frariin Muuqaal ah soo dhigay Barta Youtube-ka ayaa waxay ku sheegeen inay weeraro ka geysan doonaan dalalka Uganda iyo Burundi, oo ay ciiddamo ka joogaan gudaha Somalia.

Boliska Uganda ayaa sheegay inay heegan buuxa kaga jiraan hanjabaadda Alshabaab, waxayna  tilmaamay in la adkeeyey ammaanka Uganda.