Dowladda Britain oo shaacisay Taageero cusub ee Dib-u-habaynta Ammaanka Somalia

Dowladda Britain oo  kaalin ka ciyarayso Taagereradda Caalamiga ee lagu xoojinayo Ammaanka Somalia ayaa iminka lacago dheeraad oo dhan 21 million oo Pound (£21 million ) ku maalgelinaysa Tababarka iyo Hawlaha Ciiddanka DFS.

Qoraal lagu soo daabacay Websaytka Dowladda Britain ee Gov.UK ayaa lagu sheegay inay Tababarayaal Milliteri oo ka socda UK loo so odirayo Somalia, kuwaasi oo tababari doona Ciiddanka Qaranka Somalia, Boliska iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Tababarayaasha Milliteri ee UK waxay kaloo gacan ka geysan doonaan Soo-celinta Deganaanshaha iyka ag-jirnimadda, waa sida lagu xusay qoraalka ka soo baxay Dowladda Britain.

Dhinaca kale, Qoddobka Ammaanka waxa uu fure u noqon doonaa Shirweynaha bisha May 11-da ka dhici doona Casaimadda dalka Britain ee London, kaasi oo si wadajir ah uga qeyb geli doonaan Dowladda Cusub ee Federalka Somalia, Maamul-gobaleedyadda iyo Saaxiibadda Beesha Caalamka.

Shirkaasi waxaa lagu lafa-guri doonaan Qorshaha Nabadda Somalia, Isbedelka Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Horumarinta Bulshadda iyo Wax-ka-qabashadda Macluusha iyo Abaaraha ka jira Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media