Dowladda Britain oo ku baaqday Kulan looga hadlayo Colaadaha ka socda dalka Myanmar

Dowladda Turkiga ayaa ku boorisay Golaha Ammaanka ee QM inay yeesheen Kulan looga xaajoonayo Wararka sheegaya inay dad rayid ah dhibaato ka soo gaartay iska horimaad Ciiddanka Ammanka ee dalka Myanmar la galeen Dagaalyahano ka tirsan Muslimiinta Rohingya.

Danjiraha Britain u jooga Xaruna Dhex ee QM, Matthew Rycroft ayaa sheegay inay ka codsadeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM Kulan caawa looga hadli doono  xaalladda dalka Myanmar oo horey loo oran jiray Barma.

Qoraal uu Danjiraha soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in laga hadlo dhibaatadda muddada dheer ka jirtay Gobalka Rakhine ee dalkaasi, wuxuuna ugu baaqay Kooxaha dagaalamayo inay is-xakameeyaan.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu Isniintii ugu baaqayDowladda Myanmar inay ballan qaado sidii ay Hay’addaha Samafalka u gargaari lahaayeen dadka ku barakacay colaadaha Gobalka Rakhine.

Hadalkaasi ayaa soo baxay iyadoo ku-dhawaad 550 qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Rohingya ka gudbeen Webiga NAF ee kala qeybiya dalalka Bangaladesh iyo Mayanmar.

Waddanka Bangaladesh waxay horey u qaabileen  in ka badan 400,000 oo qof oo ka soo jeeda Muslimiinta Rohingya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media