Dowladda Britain oo ka laabatay go’aan lagu soo masaafurin lahaa Nin Somali ah

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London, waxay Dowladda Britain ka laabatay qorshe lagu soo masaafurin lahaa Muwaadin Somali oo lagu helay inuu khatar weyn ku yahay bulshadda, gaar ahaan carruurta  iyo dadka waa weyn.

Ninkaasi oo magaciisa la qariyey ayaa waxa uu soo dhamaystay xabsi shan sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu kufsi geystay.

Wargeyska waxa uu qoray in ninkaasi oo 31-jir ah yahay Shabeel-naagood ah iyo nin ay dilootay Khamriga, isla markaana ay noloshiisa khatar gelin karto, una gacan geli karo Xarakadda Alshabaab, waa sida uu Wargeyska qoray.

Maxkamadda Socdaalka ee dalka Britain ayaa xukmisay in sababo dhinaca Aadanaha darteed aan loo masaafurin karin ninkaasi oo aad u caba khamriga.

Maxkmadda waxay dhegeystay Dhakhtar ku taliyey haddii Ninkaasi loo masaafuriyo Somalia inay ku adkaan doonto inuu helo Daryeel Caafimaad, iyadoo ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) sheegtay inuusan daawooyin ku filan ka heli karin magaalladda Muqdisho.

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka Britain waxay sheegtay inay shaki weyn ka qabaan sheegashadiisa ah inuu qabo xanuun dhinaca dhimirka.

Heshiiska  Sharciga ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaaradda  Europe , gaar ahaan qoddobkiisa 3-aad ayaa mamnuucay inaan la celin karin dadka ay noloshiisa khatar geli karto.

Dhinaca kale, Ninkaasi ayaa la sheegay inuu qoyskiisa la yimid Britain sannadkii 1995-kii, inkastoo uu Xafiiska Arrimaha gudaha Britain xaqiijin waayeen sax ahaanshaha taariikhdaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor