Trending
- DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Degmada Afgooye oo lagu dilay Taliye Ciidan
- Weerar khasaaro dhaliyey oo lagu qaaday kolonyo galbineysay Madaxweyne Afrikaan ah
- Madaxweynaha dalka Turkiga oo socdaal ku tagaya Caasimadda Tehran
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Dugsiga tababarka Ciidanka Somalia ee Turkiga
- Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 6/7/2022
- Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 5/7/2022
- Maxaabiistii Xsbiyada Mucaaradka Somaliland oo lasii daayey
- Faah faahin: Dad ku dhintay qarax ka dhacay Yemen
- Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 5/7/2022
- Cali Guudlaawe oo qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia
Hadal ka soo baxay Xafiiska Britain ugu qaabilsan baaritaanka Dembiyadda ayaa shaaciyey inay baaritaan ku hayaan Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings Limited.
Guddoomiyaha Shirkaddaasi, Michael Howard oo mar madax ka ahaan jirey Xisbiga Conservative Party ee dalka Britain, ayaa sheegay inay Maamulayaasha kala shaqeynayaan baaritaanka ay wadaan Xafiiska baaritaannadda musuqa khatarta ah “SFO” ee dalka Britain.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska SFO ayaa lagu sheegay inuu baaritaankaasi saamaynayo Shirkadaha Soma Oil and Gas, Soma Oil and Gas Exploration Limited, Soma Management Limited iyo kuwo kale, oo lagu xiriirinayo Musuq ka dhacay gudaha dalka Somalia.
Related Posts
War Saxaafadeedka laguma soo bandhigin faahfaahinta Eedeymahaasi.
Dhinaca kale, qoraal ay shirkadda Soma Gas and Oil E-mail ahaan maanta u soo dirtay ayay ku xaqiijiyeen inay Xafiiska SFO baarayaan Eedeymahaas, oo ay ku tilmaameen kuwo aan sal lahayn.
Waxay sheegeen inay iskaashi buuxa ka geysan doonaan baaritaanka iyo inay ka jawaabaan su’aalaha la weydiinayo.