Dowladda Baxrayn oo ka hadashay Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Baxrayn, Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa waxa uu ka hadlay Diyaaradii Imaaraadka ee Lacagta waday ee dhawaan lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna aad u naqdiyey  waxa uu ugu yeeray Anshaxa DFS, waa sida uu hadalka u dhigay.

Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa o oay Dowladiisa Ibahaysi dhow la leh Dowladda Imaaraadka Carabta, waxa uu difaacay Siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahan Somalia, oo uu xusay inay kaalin ka qaadatay La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida.

“Dowladda Imaaraadka waxay qabatay dhowr Shirweyne oo lagu taageerayey dalka Somalia iyo Madaxweynaha haatan ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Baxrayn, oo intaasi ku daray inay Dowladda Imaaraadka u fidisay DFS dhamaan wixii tageero ah, sida Dhaqaale, Hub iyo Daawooyin.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee  Imaaraadka waxay War Saxafadeed ka soo saartay Diyaaradii Lacagta waday ee bishan April 8-dii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inuu falkaasi xad=giudub ku yahay Diplomaasiyadda iyo Xeerarka Caalamiga ee Diyaaradaha Rayidka.

Diyaarad ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha Royal Jet oo ay la socdeen 47 Askarta u tababaran sida Milliteriga ayaa Lacagtaasi ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde, waxayna Ciiddanka Garoonka gacanta ku dhigeen Lacag cadadeedu ahaa 9.6 million oo Dollar oo saarnayd Diyaaraddaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media