Dowladda Australia oo magangelyo u diiday Muwaadin Somali Kenyan aragga la’

Dr. Siyaad Abdi oo muddo dheer sugayey inuu magangelyo Qaxootinimo ka helo dalka Australia, ayaa la diiday codsigiisa, kadib, markii uu ku dhacay Heerka baaritaanka caafimaadka, iyo isagoo ah nin aragga la’.

Dr. Siyaad Abdi oo dalka Australia ku sugnaa in ka badan 11-sanno ayaa ka carooday in sababaha loogu diiday magangelyadda tahay  isagoo ah qof aan waxba arkin.

Muwaadinkaasi Somali-Kenyanka oo 47-jir ayaa sheegay inuu xaalladaasi ku maarayn jirey noloshiisa inta uu noolaa, isagoo Macallin iyo Garyaqaan u dooda Mujtamaca laga tiradda badan yahay ka ahaa magaalladda Perth ee Koonfurta Australia.

Hadal ka soo baxay Dowladda Austalia, ayaa lagu sheegay in Muwaadinkaasi la siiyey muddo 28 maalmood ah si uu uga dhoofo dalka Australia, kadib, markii la diiday codsigiisa magangelyo.

Dhinaca kale, Dr. Siyaad Abdi oo Australia ay ugu dhasheen labo carruur ayaa waxa uu sheegay inuu Rafcaan ka qaadan doono Go’aanka Waaxda socdaalka Australia ugu diideen inay siiyaan Magangelyo Qaxootinimo.

Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, Peter Dutton waa ka gaabsaday inuu ka hadlo Isbedelka lagu sameeyey Sharciga Qaxootiga ee dalka Australia iyo Kiiska ku saabsan go’aanka lagu masaafurin doono Dr. Siyaad Abdi.

Madaxa Ururka dadka Naafadda ee dalka Australia, ayaa cambaareeyey go’aankaasi, isagoo tilmaamay inaysan wax xushmad ah la siinin dadka naafadda ee Qaxootiga ku ah Australia.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor