Dowladaha Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Iskaashi iyo Dhaqan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Yuusuf Garaad Cumar Axmed iyo Wasiirka Horumarint ee Turkiga, Lutfi Calwaan ayaa  Heshiis ku kala saxiixday Caasimadda dalkaasi ee Ankara,

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anatolia News Agency ayaa sheegtay inay Labada Wasiir kala saxiixdeen Heshiiska Horumarinta Iskaashiga iyo Heshiiska lagu asaasayo Xarumaha Dhaqanka ee labada Waddan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxa uu ka mid yahay Wafdiga ballaaran ee uu hoggaminyo Mdaxweynaha DFS, ee haatan booqashadda ku jooga Turkiga.

Waa Socdaalkii u horreeyey ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalkaasi, tan iyo markii uu Xilka Madaxweynaha la wareegay bishii February ee sannadkan.

©Radio Dalsan


About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media