Dowladaha Somalia iyo Masar oo ka wada hadlay Iskaashiga Ammaanka iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Masar, Jenaraal Majdi C/qafaar waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka, C/risaaq Cumar Axmed oo haatan booqasho hawleed ku jooga caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Labada Wasiir waxay ka wada hadleen Iskaashiga Dowladaha Masar iyo Somalia ee dhinaca Ammaanka iyo Horumarinta Khibradda Hay’addaha Ammaanka ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar, Jenaraal Majdi  C/qafaar waxa uu sheegay inay guulo waa weyn ka gaareen La-dagaalanka Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan ee ku sugan gudaha Masar, isla markaana ay diyaar u yihiin inay Hay’addaha Ammaanka Somalia ka taageeraan dhinacyadda Tababaradda, Qalabka iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Kulanka Labada Wasiir waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Masar u jooga Somalia, Waliid Ismaaciil iyo Hawlwadeeno ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay  dalka Masaarida.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor