Dowladaha Moroko, Sudan iyo Shiinaha oo cambaareeyey qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho

Boqorka dalka Moroko, Maxamedka 6-aad  waxa uu taageero u muujiyey DFS, kadib, qaraxii lagu hoobtay ee Sabtidii hore ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.

Boqorka ayaa hadalkaasi ku sheegay Dhambaal uu u soo diray Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu uga tacsideeyey boqolaalkii qof ee ku geeroyooday ama ku dhaawacntay Qaraxaasi.

“Falkaasi waa mid ka soo horjeeda Aadminimadda iyo Aqoonta Islaamka: ayuu ku yiri dhambaalkiisa, Boqorka dalka Moroko oo intaasi ku daray inay garab taagan yihiin dadka Soomaalida xilligan dhibaatada leh.

Waxa kale oo uu u tacsideeyey Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen, wuxuuna kuwa dhaawacan u rajeeyey Bogsasho degdeg ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Shiinaha, Ji Jiyaanping waxa uu dhigiisa Somalia u soo diray Dhambaal uu uga tacsideeyey dadkii ku geeriyooday Qaraxii bishan 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.

Madaxweynaha Shiinaha waxa uu sheegay inuu ka argagaxay markii uu ogaaday inuu qaraxaasi geystay khasaaro badan oo nafeed.

Waxa kale oo uu ii sheegay isagoo ku hadlayo magaciisa, magaca Dowladda iyo Shacabka Shiinaha inuu si tiiraanyo leh uga tacsideynayo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi, wuxuuna u rajeeyey kuwa dhaawacan inay si degdeg ah uga bogsadaan dhaawacyada.

Dhinaca kale, Dowladda Sudan ayaa ka mid ah dalalka cambaareynayo qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu cambaareeyey Qaraxaasi oo ay ku tilmaamtay Dembi ka baxsan Aadminimadda .

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Dowladda Sudan garab taagan tahay DFS  si looga hortago Falalka Dembiyadda, waxayna Beesha Caalamka ka codsadeen inay kordhiyaan dadaal kasta  ee looga hortagayo dhamaan Dembiyadda ka dhaca Somalia.

Ugu dambeyntii, Ururka Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka Islaamka ee (ISESCO) ayaa ka mid ah Ururadda Caalamiga ee iyagana cambaareeyey Qaraxii dhawaan ka dhacay magaalladda Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media