Dowladaha IGAD oo Heshiis kala saxiixday

Urur-gobaleedka IGAD waxay soo saareen Jadwalka shaqo ee Siyaasadda Gobalka ee Ganacsiga isaga kala gudbi karaan Xuduudaha, kaasi oo waddo-nololeed siinaya Ganacsatdda heerka yar ee Gobalka.

Wasiiradda Ganacsiga ee dalalka somalia, Jabuuti, Kenya, Uganda, Sudan iyo South Sudan iyo Wakiilo ka socday dalka Ethiopia waxay Khamiistii la soo dhaafay Dukumenti ku wada saxiixeen Kulan ay ku yeesheen magaalladda Mombasa ee dalka Kenya.

Dukumentigaasi Siyaasadeed waxa uu xoojin doonaa Nidaamka Ammaanka ee Xuduudaha, Taageeridda Adeegyadda Ganacsi ee ka gudbaya Xuduudaha, Dhiirigelinta Ka-qeybgalayaasha Xuduudaha iyo Siyaasad-samaynta Mujtamaca.

Wasiirka Gnaacsiga ee Kenya, Aadan Maxamed waxa uu sheegay in qorshahaasi hagaajin doono Ganacsiga ka gudbaya Xuduudaha dalalka xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD.

Si kastaba ha ahaatee, Dukumentiga ay wada saxiixeen Wasiiradda Ganacsiga ee dalalka xubnaha ka ah IGAD waxay Hoggaamiyayaasha IGAD  u gudbin doonaan Hoggaamiyayaasha Midowga Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor