Dowladaha Gobalka iyo kuwa kale oo la sheegayo inay kala wataan Musharixiinta u taagan Madaxtinimadda Somalia

Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee la qorsheynayo inay qabsoomaan dabayaaqadda sannadkan ayaa waxay noqotay arrin leh miisaan gaar ah, waxaana jirta Dowladdo farta lagu fiiqayo inay wataan Musharixiin Khaas ah.

Dowladaha Ethiopia, Masar, Sacuudiga, Qatar iyo Turkiga ayaana ah kuwa ugu muhiimsan ee la hadal hayo inay Juhdi iyo Kharaj ku kala taageerayaan Musharixiinta u taagan doorashadda soo socota ee Madaxtinimadda Somalia.

Dowladahaasi waxay Somalia ka leeyihiin Danno Siyaasadeed, mid Dhaqaale iyo mid Amni, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay Somalia ku taallo Deegaan Istaraatijiyad u leh Caalamka.

Dowladda Ethiopia oo Galaangal xooggan ku leh Somalia waxay xiriiro kala gaar ah oo kala madax bannaan la leedahay Dowladda Dhexe, Dowlad-gobaleedyadda Puntland, Jubbaland, K/galbeed, Galmudug iyo Maamulka Somaliland ee sheegta inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia.

Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay wataan dhowr Musharaxiin Soomaali oo ay jaal yihiin, si ay u taageeraan inuu midkooda ku guuleysto doorashadda soo socota ee Madaxtinimadda Somalia.

Dowladda Masar oo uu Ficiltan xooggan kala dhexeeyo Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay iyagana u xusul-duubayaan inuu Musharax ay isku Siyaasad yihiin ku guuleysto  Madaxweynaha soo socda ee Somalia, si ay fursad ugu helaan inay Dowladda Ethiopian ka riixdaan Galaangalka iyo saamaynta ay haatan ku leeyihiin Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxay iyagana dadaal ugu jiraan sidii aysan Dowladda Iiraan saamayn ugu yeelanin Somalia, waxayna Dowladda Sacuudiga abaalmaarin lacageed oo cadadeeda lagu sheegay 50 million oo Dollar siiyeen Dowladda Federalka, kadib, markii ay Dowladda Iiraan u jareen xiriirkii Diplomaasiyadeed.

Istaraatijiyadda Dowladda Sacuudiga ayaa ah inay xiriir fiican la yeeshaan Madaxda dalalka Somalia, Jabuuti, Sudan iyo Eritrea, si la isaga mooso Qorshaha Iiraan kula rafiiqayso Dalalka ku teedsan Badda Cas.

Sidoo kale, Dowladda Turkiga oo haatan u muuqata Isbahaysiga Koowaad ee taageera Dowladda Federalka, ayaa ku hawlan inuu Musharax iyaga taageersan ku guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda Somalia, si ay u xoojiyaan gacanta ay ku leeyihiin Arrimaha Somalia.

Dowladda Qatar ayaa iyadana weli ku hawlan sidii uu mar kale Musharax iyaga taabacsan ugu guuleysan lahaa Dooraashadda Madaxtinimadda Somalia, waxayna Warbaahinadda Caalamka horey u shaaciyeen inay  Dowladda Qatar dhaqaale xooggan ku bixisay doorashaddii  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ee dhacday  bishii September 12-dii ee sannadkii 2012-kii.

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ayaa iyagana miisaan ku yeelan kara Doorashadda, waxayna Xildhibaanadda ku xiran yihiin Dowladdo kale iyo Hay’addo diimeedyo ka jira Dalalka Carabta, waxayna inta badan Xildhibaanadda Barlamaanka  salka kula jiraan Ururo-diimeedyo loogu kala yeero magacyo kala duwan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor