Dowladaha Ethiopia iyo Switzerland oo ka wada hadlay Arrimaha Somalia

Madaxweynaha dalka Switzerland, Simonetta Sommaruga oo maalmahan booqasho ku joogtay caasimadda dalka Ethiopia waxay shalay la kulantay dhigeeda dalkaasi, Mulati Teshome iyo Ra’isul-wasaare Hailemariam Desalegn.

Kulankaasi waxay kaga wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Ammaanka Somalia, South Sudan, Ka-hortagga Tahriibayaasha iyo Qaxootiga ku nool Xeryaha ku yaalla dalka Etrhiopia.

Madaxweynaha dalka Switzerland, Simonetta Sommaruga waxay sheegtay inay kordhin doonaan Taageeradda Dhaqaale ee ay siiyaan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Dowladda Ethiopia oo ay dhibaatooyin ka haystaan Qaxootiga ku soo jabay, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 720,000 oo Qaxooti.

Waxay kaloo ka hadashay Ammaanka Somalia, waxayna xustay in Istaraatijiyadda Switzerland ee Geeska Afrika tahay inuu Gobalku noqdo mid ammaan ah, waxayna taageertay Kaalinta Ethiopia ee soo-celinta Ammaanka Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Switzerland, Simonetta Sommaruga waxay booqatay Xeradda Qaxootiga ee Sheed Dheer oo ku taalla magaalladda Jigjiga, oo ay Dowladda Switzerland bixiyaan Kharajka Qaxootiga ku jira Xeradaasi oo dhan

12,300 Qaxooti, badankooda ah Somali ka carartay dagaalladda u dhexeeya Ciiddanka AMISOM iyo Dagalaamayaasha Alshabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor