Dowladaha ay Ciiddamadda ugu badan ka joogaan Somalia oo bixin la’ Qaaraanka Urur-gobaleedka IGAD

Dowladda Uganda ayaa ku fashilantay inay iska bixiyaan Kharajka qaaraanka ee ay bixiyaan Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD, xilli ay Ciiddanka Kenya door ballaaran ka qaataan Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee Gobalka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo inay Dowladda Uganda bixin la’dahay kharaj dhan 8 million oo Dollar oo uu Ururka IGAD ku leeyahay, waxayna Saraakiisha Uganda khatar ugu jiraan in laga mamuuco inay ka qeyb galaan Shirarka IGAD.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda, Henry Okello Oryem ayaa xaqiijiyey in lagu leeyahay Kharajkaasi, wuxuuna ku sababeeyey inay Dowladda Uganad lacag la’aan hayso.

“Waa nasiib-darro inaan bixin la’ nahay dayntaasi, laakiin waxaan rajeynaynaa inaan bixino. Waxaan filayaa inay Wasaaradda Maaliyadda bixin doonto lacagahaasi, si aan nadiif uga noqono Amaahda IGAD” ayuu yiri Wasiirkaasi.

Dhinaca kale, Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo iyagana ay ciiddamo ka joogaan Somalia, ayaa la sheegay inay ku hungoobeen inay bixiyaan Saamiga Qaaraanka IGAD, iyadoo Kenya lagu leeyahay hal million oo Dollar.

Dowladda Ethiopia ayaa iyadana lagu leeyahay 1.7 million oo Dollar, iyadoo ay Xarunta Dhexe ee IGAD ku taallo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Ma cadda sababaha ay Dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia u bixin la’ yihiin Kharajkaasi, iyadoo la og yahay inay Dowladahaasi kharaj badan iyo taageero qalab ka helaan kaalinta ay kaga jiraan Hawlgalka AMISOM.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor