Dowladaha Aasiya iyo Afrika oo loogu baaqay inay taageero ka geystaan maalgashiga Somalia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda  Federalka, Khaalid Cali Cumar  ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Wakaalladda Wararka Indonesia ee ANTARA, kadib, markii uu ka qeyb galay Shirka Wasiiradda Arrimaha dibedda ee Dowladaha Qaaradaha  Aasiya iyo Afrika uga furmay magaalladda Bandug ee dalka Indonesia.

Shirkaasi oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa waxaa looga dabaaldegayaa 60-guuradii ka soo wareegtay Iskaashiga Dowladaha Afrika iyo Aasiya.

Waxa u uugu baaqday Dowladaha Eeshiya iyo kuw Afrikaanka inay Dowladda Federalka ka taageeraan Maalgashiga iyo Kordhinta Dhaqaalaha Somalia, iyadoo la dhaqangelinayo Istaraatijiyadda cusub ee Afrika iyo Eeshiya (NAASP).

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibedda iyo Maalgashiga ee Dowladda Federalka, Khaalid Cali Cumar waxa uu tilmaamay in la diyaariyey Sharci damaanad qaadayo  Maalgashadayaasha shisheeyaha   ee hawlaha ganacsiga iyo Maalgashiga ka bilaabayo Somalia.

Waxa uu ugu baaqay Shisheeyaha iyo Qurbo-joogta Soomaalida inay maalgashadaan Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka kale ee Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor