Dowlada UK oo doneysa in ay soo furato Muwaadin udhashay dalkeeda oo lagu afduubtay xuduuda Somalia iyo Kenya

dokumenti qarsoodi ah oo ay ka heshay waaxda baaritaanada ee Telveshinka  Al Jazeera  hey’adda sirdoonka dalka Ingiriiska ee MI6 , ayaa lagu sheegay in dowlada Ingiriiska uu saarayo su’aalo dhab ah oo ku saabsan tallaabooyinka xukuumadda Ingiriiska, ee ku aadan Judith Tebbutt oo la afduubtay iyo dilkii ninkeeda, David oo isagana lagu dilay xuduuda wadamada soomaaliya iyo Kenya.

Lamaanayaasha ayaa waxaa la afduubtay bishii September 11, 2011, intii lagu jiray weerar ka dhacay Hotel loo dalxiis tago oo ku yaala jazeera Lamu ee dalka Kenya, oo ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale xafiiska sirdoonka dalkaasi, ayaa soo jeediyay macluumaad gaar ah oo ku saabsan  khatarta safrka Muwaadiniinta Ingiriiska.

Waxaa sidoo kale warbixinta ay sheegeysaa in oo keliya xiriirka uu sameykaro qof rayid ah si loogu dhexeeyo afduubayaasha iyo dowlada ingiriiks.

M16, ayaa ku dooneysa in dagaalyahanada Al Shabab ay ku lugleeyihiin afduubka muwaadiniintaasi, waxaana ay sheegeen in ay rumeysanyihiin, tuhunkaasi uu jiro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor