Dowlada Tansaniya oo Cabsi ka Qabta Weeraro ay Dalkasi ka Geystaan Al Shabab

Wixii ka dambeeyay tacshiirad saacado socotay oo  ka dhacay  Gobol ku yaala waqoyga dalka Tansaniya oo lagu magacaabo Tangar, ayaa shacabka iyo warbaahinta gudaha dalkasi waxaa sheegeen in kooxaha Weerarka ku qaaday dowlada ay qeyb ka ahaayeen  dagaalyahano ka tirsan Al Shababka Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska dalkasi, oo lagu magacaabo Paul Chagonji, oo wareysi siiyay wakaalada wararka dalka Turkiga ee the Anadolu Agency, ayaa waxa uu shegay in ay kooxaha weerarka soo qaday ay xiriir la lahaayeen Al Shabab, waxaa kaloo ay sheegan in ay  go’aan ku gaareen in ay dhiiragaliyeen ciidanka difaacada dalka Tansaniya.

Sidoo kale waxaa uu yiri “ ma xaqiijin karno in kooxaha weerarka kusoo qaaday ciidankeena in ay ka tirsanyihiin Al Shabab, maxaa yeelay hal dagalyahano oo ka tirsan gacanta kumaaneey dhigin, balse waxa tuhun aan qabto, “ taasi ayaana diideysa xaqiiqda ah in ay xiriir la lahaayeen Al Shabab.

Muuqaal ku turjumnaa luuqadaha Carabiga iyo Sawaxili, ayaa waxaa dhalinyada dalka Tanzania loogu baaqay in ay ka mid noqdaan dagalyahanada ka dagalamaya dalkasi.

Weerarada Xarakada Al Shabab kuma koobna Dalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor