Dowlada Taiwan oo balanqaaday US$166,000 oo lagu dhisayo Hanaanka isgaarsiinta bada soomaaliya

Dowlada Teywaan, ayaa saxiixday in ay gacan ka geysaneyso xiriirka iyo isku xirka badbaadinta dhibaatooyinka laga soo sheego xeebaha soomaaliya.

Qubaro iyo wakiilo ka socda Hey’adda Ocean Beyond Piracy ee loosoo gaabiyo OBP, iyo wakiilka dowlada Taiwan ee EU iyo Dalka Belgium James Burnell-Nugent, ayaa ku sugnaa xaruunta lagu saxiixay heshiiska ah in ay dowlada Taiwan ka qeybqaadato amaanka biyaha soomaaliya.

Sidoo kale dowlada Taiwan ayaa sheegtay in ay bixineyso lacag gaareysa US$166,000 oo wax looga qabto amaanka biyaha soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu dhisi doonaa, shan xaruumood sis are loogu qaado amaanka iyo isgaarsiinta bada soomaaliya sida uusheegay wasiirka ari,arimaha dibada dalka Taiwan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor