Dowlada Spain oo xirtay tababare Jaamac Adam Karaaciin

Ciidamada booliska dalka Spain ayaa xabsiga dhigay tababare Jaamac Adam Karaaciin oo ah tababare Soomaaliyeed oo tababaraha Orodyahano caan ka ah caalamka.

Jaamac Adam Karaaciin iyo tababare kale oo u dhashay dalka Marooko waxa loogu galay hotel ay ka deganayen gobolka Kataloniya ee dalka Spain kadib markii halkasi laga helay nooc kamid ah daroogada kordhisa awooda ciyaaryahanada oo mamnuuc ka ah ciyaartoyda.

Macalinka ayaa tababare u ahaa Genzebe Dibaba oo ah gabadha heysta tartanka orodka gabdhaha ee 1500 Mitir caalamka oo dhan.

Waxa la sheegaya in baaritaan lagu sameeyay 28 ruux oo kamid ahaa 30 ciyaaryahan oo hotelkasi deganaa.

Hotelka waxa deganaa ciyaaryahano u kala dhashay Soomaaliya, Itoobiya,Jabuuti, Aljeriya, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Qadar sida ay sheegtay VOA.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor