Dowlada Soomaliya oo soo saartay digniino laxariira computerada

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay khatarta virus-ka ku sii fidaya adduunka. Waxaana lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu saameynta badnaa, iyadoo uu gaaray illaa 150 dal. Meelaha ugu dhow ee laga soo sheegay waa dalka Kenya oo daris nala ah.

Weerarkan viruska ah wuxuu aalaaba ku faafaa dhinaca email-ka, wuxuuna kaa xirayaa kumbuyuutarkaaga, iyadoo lagu weydiisanayo inaad bixiso lacag madax-furasho (ransom) si laguugu furo.

Waxaa suurtogal ah in Soomaali badan ay ku dhacaan dabinkan. Haddaba ka digtoonow viruskan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media