Dowlada Soomaaliya oo sii deysay Siyaasiga Cabdi Waal

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa caawa xabsiga ka sii deysay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal ) oo 7 bishan lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Cabdi Waal ayay Dowlada Kenya gacanta u soo gelisay Dowlada federaalka Soomaaliya kadib markii laga soo qabtay Caasimada Nairobi Ee Wadanka Kenya.

Siyaasigan ayaa hore loogu soo eedeyay inuu ku lug lahaa Dagaalo ba’an oo ka dhacay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kuwaas oo ay dad badani ku dhinten.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor