Dowlada Soomaaliya oo Kenya ku wareejisay Hub la doonayay in lagu weeraro magaalada Mandheera

Warbaahinta Kenya ayaa sheegeysa in ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jubbaland ay ku wareejiyen dowlada Kenya hub la sheegay in Al Shabab ay dooneysay iney ku wareerto magaalada Mandheera ee Waqooy Bari Kenya.

Hubkasi Kenya lagu wareejiyay waxa ku jiray Miinooyinka dhulka lagu aaso,Rasaas iyo qoraga nooca AK oo la doonayay in weerarka lagu fuliyo sida saraakiisha amniga Kenya laga soo xigtay.

Taliyaha Mandheera Fredrick Shisia ayaa u mahadceliyay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo uu ka codsday iney sii wadan iney la shaqeeyan laamaha amniga Kenya.

Al Shabab ayaa dhowr weerar ka fulisay Magaalada Mandheere labadii sanno ee la soo dhaafay waxaana dhowr jeer ka badbaaday gudoomiyaha Mandheere Cali Roba.