Dowlada Soomaaliya oo ka warbixisay qaabkii uu baasaborka ku helay Ninkii isku qarxiyay Daallo

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Jeneraal C/laahi Maxamed Maxamuud (Gaafow) ayaa sheegay in Cabdulaahi Cabdisalaan Boorle oo ah ninkii isku qarxiyay gudaha diyaarada Daallo airlines uu damiintay Shaqaale ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Taliyaha ayaa u sheegay warbaahinta Dowlada in Nin shaqaale ka ah Garoonka Diyaaradaha oo uu magaciisa qariyay inuu ka codsaday taliyaha in Baasabor deg deg ah loo sameeyo Cabdulaahi Cabdisalaan Boorle oo uu ku sheegay nin abtigiis ah oo la xanuunsan Cudurka Kaankarada.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u xaqiijisay in Cabdulaahi Cabdisalaan Boorle uu ka dambeeyay Qaraxii ka dhex dhacay Diyaarada Daallo 2dii bishii Febraayo Ee sanadkan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor