Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay qoyskii lagu xasuuqay magaalada Marka

Golaha Wasiirada ee xuukamada Soomaaliya ayaa sheegay in lala xisaabtami doono dadka lala xiriirinayo xasuuq loo geystay qoys Soomaaliyeed oo ku noolaa duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose.

” Ciidamada Booliska ayaa looga fadhiyaa iney baaritaano ku sameeyan arintan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Hey’adda u dooda xuquuqda adanaha iyo culumada Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qoys ka koobna 6 ruux oo caruur ay ku jiren oo lagu gubay laguna dilay Duleedka Marka.

Gobolka Shabeelada Hoose waxa ku noq noqday dilal lala xiriiriyo aanoyin qabiil,balse dowlada Soomaaliya weli si rasmi ah ma aysan u xalin arintasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor