Dowlada Soomaaliya oo caafimaad dhinaca dibbada u qaadeysa Wariye Cabdirisaaq Black

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dibadda ay u qaadi doonan Wariye Cabdirisaaq Cilmi Jaamac Black si uu dibada uga helo gurmad caafimaad oo wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa shaqsi ahaan balan qaaday in ninkan wariyaha ah laga taageeri doono dhinaca caafimaad,isaga oo sheegay in uu hore u maqlay dhaawaca suxufiga balse uu u fahmay inuu soo kabsaday.

Suxufiyiin badan ayaa lagu dhaawacay gudaha dalka qaar kalena waa ay u dhinten iyaga oo ka shaqeynayay wadanka tan iyo sanadkii 2007dii.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore dhowr jeer u balan qaaday iney soo deyn doonan wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo ku xiran muddo dheer wadanka Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor