Dowlada Shiinaha oo taageereysa Howgalka Midowga Africa ee AMISOM

Militeriga difaaca dalka Uganda, ayaa soo dhaweeyay badanqaadyo uu jeediyay Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, oo ku saabsan taageerida militeriga Africa iyo dadaalada howgalada Qaramada Midoobe.

Gen. Katumba Wamala, oo ah madaxa ciidamada difaaca dalka Uganda, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee dalka shiinaha ee Xinhua, in dowlada shiinaha ay balaqaaday in Midowga Africa, ay sii xoojin doonto taageerida ay ku bixineyso Africa, gaar ahaan wadamada ay dagalada sokeeye ay ka socdaan iyo dalalka ay ka howgaladaan ciidamadaasi, sida Somalia oo kale.

Madaxweyne Xi Jinping, ayaa hadalkaasi ka sheegay xili uu ka hadlayay kulankii  70th ee QM, isagoona balanqaaday in 8,000 ciidamo gaaray iyo 100 Million oo dollar uu ku bixinayo Africa, iyo dalal kale.

Sidoo kale dowlada shiinaha ayaa Somaliya ka taageereysa dhinaca howgalada iyo la dagaalanka Al Shabab.
Gen. Katumba Wamala, oo ah madaxa ciidamada difaaca dalka Uganda, oo ka hadlayay arimaha soomaaliya ayaa sheegay in howgalada Midowga Africa ay gaarayaan guulo muhiim ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor