Dowlada Masar oo xir xirtay ku dhowaa 30 ruux oo tahriibiyaal soomaali ah

Warbaahinta gudaha dalka Masar, ayaa waxaa ay wariyen in ciidamada ammaanka dowlada Masar, ay xireen 30 ruux oo soomaali ah kuwaasoo doonayay in ay ka tahriibaan wadanka masar.

Tahriibiyaasha ayaa waxaa laga qabtay magaaladda Alaksandariyah, waxaana ay ku sii jeedeen dalka talyaaniga sida warbaahinta ay u sheegeen saraakiil dhinaca ammaanka ah.

Dadka la qabtay ayaa waxaa u badan gabdho iyo carruur, muddo ku raagay dalka masar, balse ku hungoobay in ay ka tahriibaan wadanka Masar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor