Dowlada Mareykanka oo kordhineysa taageerida Militeri ee Soomaaliya

Dowlada Mareykanka ayaa waxaa shegay in ay ka go’antahay kordhinta taageerida dhinaca militeri ee la siinayo dowlada soomaaliya, oo dagaal kula jirta Xarakada Al Shabab, sida laga soo xigtay warsaxaafadeed ay soo saareen,Wafdi uu hogaaminayeen Agaasimaha Siyaasadda iyo Agaasime Ku-xigeenka Shaqaalaha Senate Guddiga Adeegyada Qalabka Sida ee Mareykanka.

Warka kooban ee kazoo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay, in Mareykanka ay si gaar ah ugu lug lahaan doonto adkeyga awooda ciidamada Militeriga ee somaliya.

Sidoo kale Agaasimaha Siyaasadda iyo Agaasime Ku-xigeenka Shaqaalaha ee Senate Guddiga Adeegyada Qalabka Sida, waxaa ay kulan laqaateen Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Sharmarke oo wafdigaasi la kulmay, kalana hadlay adkeynta ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Sharmarke, ayaa xukumada washinton uga mahadceliyay taageerida ay ufidinayaan dowlada somaliya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor