Dowlada Kenya oo sheegtay inaysan wax shuruud ku xirnayn Taageeradda Maraykanka ee La-dagaalanka Alshabaab

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed ayaa sheegtay inaysan ballanqaadkii Madaxweynaha Maraykanka ku imaanin wax shuruud ah, gaar ahaan Hawgalka La-dagaalanka Alshabaab.

“Waxa uu ballan-qaaday Kenya dagaalka ka dhanka ah Argagixisadda iyo Xag-jirnimadda” ayey tiri Amina Mohamed.

Waxay intaasi ku dartay inay Dowladda Maraykanka bixinayaan kheyraadka iyo qalabka ay Kenya kula daagaalamayaan Alshabaab, waxayna hoosta ka xariiqday inay Dowladda Maraykanka taageero ka geysan doonaan Wadaagga dhinaca Sirdoonka iyo Ammaanka xuduudka Kenya iyo Somalia.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweynaha Maraykanka uu Ballanqaadyo badan u sameyey Kenya oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

 

 

 

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor