Dowlada Kenya oo dagaal ka dhan ah Al Shabab, ku qaadeysa keymaha xeebaha ay wadaagaan somaliya iyo Kenya

Dowlada Kenya ayaa waxaa ay qorsheyneysaa in ay guluf colaadeed ay ku qaadaan dagaalyahanada AL Shabab, ee la sheegay in ay werarada kasoo abaabulaan keymaha ku dhow xeebaha dalkaasi Kenya.

Wadamada bariga Africa, ayaa waxa ay dhawaan sheegeen in Al Shabab, ay weerada kasoo abaabulaan xeebaha waqooyi ee dalkaasi, sida kemaha  Boni.

Gudoomiyaha degamada Lamu Frederick Ndambuki, ayaa shegay in ujeedaha ay tahay hubinta ammaanka dalkaasi, iyo in la helo badbaado qaran.

Todobaadkaan, ayaa waxaa dowlada kenya ay isku raaceen Madaxtooda in xaalad Qatar ay ka jirto deegaanada kemaha dalkaasi, waxaana arintaasi wali laga warsugayaa in dowlada ay ka jawaab celiso.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor