Dowladda Kenya oo ciidamo Boliis ah u daad gureysay xarunta Baarlamaanka dalkaasi

Dowladda Kenya ayaa Bilayskeeda heegan sare galisay iyadoona dhinaca kale ciidamo udaad gureysay Khasriga Madaxtooyada dalkaasi, kadib markii hey’adaha sirdoonka ay muujiyeen surtagalmimada in Al Shabab ay weraraan Xaruunta Baarlamaanka dalkaasi.

xubin ka tirsan hey’addaha ammaanka oo lagu magcaabo IG Samuel Arachi, ayaa sheegay in ay adkeenayaan ammaanka xaruumaha muhiimka ah ee dowlada.

“Waxaan ciidamo udaadgureynay xaruumaha muhiinka ah ee dowladda, waxaan usameyneyno ayaa waxaa ay tahay dadaal aad usareyo oo dhanka ammaanka ah” ayuu yiri

Sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in 100 askeri oo ciidanka ammaanka ah la geeyay xarunta Baarlamaanka si ay u ilaaliyaan shaqaalaha Baarlamaanka.

Warbixinnada sirdoonka maanta ay soo saareen ayaa sheegeysa in ugu yaraan 12 ka tirsan Xarakada Al Shabab  looga shakisan yahay in ay damacsanyihiin weeraro shirqool ah oo  laga fuliyo Xaruunta Barlamaanka.

Sirdoonka sido kale waxaa ay cadeyeen in lix kamid ah raga damacsan werarada in ay hada ku suganyihiin gudaha Magalada Nairobi, balse aan wali la aqoonan halka ay ka joogaan magaalada.

Shaqaalaha Safaarada Masar ee Magalada Nairobi, ayaa dhawaan ka dalbaday hey’addaha ammaanka dalka Kenya, in la adkeeyo amaanka shaqaalaha Masarida ee dalkaasi, si looga feejignaado in aaney dhicin qasaara gaara shaqaaladooda hadii ay macaquul noqoto in Al Shabab ay begsadaan.

Sirdoonka Kenya, ayaa sheegay in ay macquul tahay in werarada xarunta Baarlamaanka loo adeegsado gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo, oo lagu sii diyaariyo khasriga Madaxtooyada.

Sirdoonka iyo hey’aadaha amaanka waxaa warbaahintooda ku qornaa in werarada looga shakisanyahay, nin Magaciisa ay ku shegeen Mr Maxamed Maxamuud, iyo xubo kale, kaas oo ay ku eedeyeen nin sheegtay weeraro 22 bishii November ee sanadkii 2014 lagu qaaday gawaari maraysay deegaanada Waqooyi bari bari dalka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor