Dowlada Jabuuti oo xirtay Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Diinta Dalkasi

Ciidamada Ammaanka Dalka Jabuuti ayaa xiray ugu yaraan 32 ruux oo uu ku jiray Wasiirkii Hore Ee arrimaha Diinta Xaamud Cabdi Suldaan.

Dhamaan dadkan waxa lala xiriiriyay rabshadahii dhawaan ka dhacay Magaalada Jabuuti Ee Dalka Jabuuti.

Daahir Axmed Faarax oo ah Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN ayaa u sheegay Idaacada VOA in dadkan shalay ay xiren Ciidamada Ammaanka Jabuuti.

xaamud1

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor