Dowlada Itoobiya oo ku dhawaad 1,000 askeri geyneysa Magaalada Kismaayo

Saraakiil ka socda dowlada Itoopiya oo gaaray Magalada Kismaayo ee Xaruunta maamulka Jubaland, ayaa waxaa ay kulamo ay la qaateen madaxda maamulka.

Wafdigii itoopiya ee gaaray kismaayo, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay kismaayo ay geeyaan ku dhowaad 950 askeri, kuwaasoo kamid ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM lana dagaalami dono Xarakada Al Shabab.

Itoopiya ayaa kamid ah ciidamada AMISOM, waxaana iminka la qorsheynayaa in ay ka howgalaan qeybo kamid ah Goboladda uu ka arimiyo Maamulka Kumeelgaarka ee Jubaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor