Dowlada ingiriiska oo xir xirtay 50 gabdhood iyo hooyooyinkooda

Warbixin BBC-da qeybta dunida la hadasha lagu daabacay, ayaa waxaa lagu shegay in ciidamada Police garoonka diyaarahada Heathrow ee magaalada London ku qabteen manta oo sabti ah ku dhowaad 50 gabdhood oo ku hadlayay luuqada Ingiriiska balse asalkooda uu soomali yahay, oo doonayay in ay uduulaan dalka Ethoipa kadibna ay uga sii ambabaxaan Magalada Mogadishu.

Warbixinada ayaa waxaa ay shegayaan in agabdhahasi, la doonayay in loo gudo nooca FGM, marka la geeyo dalka soomaaliya.maadaama uu sharci daro ka yahay dalkaasi ingiriisaka.

Lady Tonge, oo ka tirsan xisbiga Liberal Democrats-ka ayaa lasheay in ay dadkaasi aragtay kadibna ay ku wargalisay police-ka garoonka. Gabdhaha oo da’dooda lagu sheegay 11 – 17 jir waxaa la socday hooyooyin iyo ayeeyooyin.

Police-ka ayaa waxaa laga soo xigtay in gabdhaha ay doonayeen in 11kii July ay raacaan dayaaradda Ethiopian Airlines oo u socotay Addis Ababa, halkaasoo ay uga sii duuli lahaayeen Muqdisho.

Lady Tonge iyo mudanaha xisbiga Shaqaalaha ee laga soo doorto Halifax, holly Lynch, ayaa waxaa la shegay in labadu ay kusii jeedeen Magaalada Addis Ababa oo ay kaga qayb galayeen shirka horumarinta maalgashiga.

Gudniinka gabdhaha ayaa sharci darro ka ah UK, ciddi lagu helana waxaa jira sharci u ogolaanaya booliska inay baasaboorka ka qaadaan, dhinaca kalena waxaa iminka soo dhow waqtiga ardayda laga fasaxayo iskuulada, ayna safarada hada gedisashada ay aadaan, taasoona police-ka u ogolaanaya in ammaanka iyo dhaq-dhaqaaqa ardayda ay si wanaagsan ula socdaan.

Waaxyada caafimaadka dalkaasi, ayaa waxaa ay wadaan baaritaano ku aadan, gabdhaha, iyo hooyooyinkii la socday ee doonayay in gabdhahooda ay u gudaan qaabka Fircooniga ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor