Dowlada Finland oo dib u eegis ku sameyneysa codsiyada magangalyo ee uga yimaada dadka kasoo jeeda wadamada somaliya iyo Ciraaq

Dowlada Finland, ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay ka laabatay go’aankeedii ahaa in aysan soo dhaweyneen Qaxootiga kasoo jeeda wadamda Somaliya iyo Ciraaq, iyadoona sheegtay in ay dib ugu laabaneyso codsiyada magangalyo doo nee kagag yimaada dadka kasoo jeeda dalalkaas labada ah.

Warbixinta ayaa sheegeysa in dowlada ay qiimeysay xaaladaha amni darida ka jirta labadaasi wadan, sidaasi darteena ay u aqbaleyso sheegasha magangalyada qaxootiga labadaasi dal kasoo jeeda, iyadoo dib la iskugu laaban doono.

Hey’adda Qaxootiga dalkaasi ee la yiraahdo The Finnish Immigration Service, ayaa ku sheegtay warsaxaafadeed, in go’aankaan ay gaareen kadib labo todobaad oo ay qiimeeyn wadeen.

Qaastii 17,000 oo Magangalyo doon ah ayaa tagay dalk Finland sanadkaan oo keliya, waxaa 69 % ay yihiin kuwo ka yimid dalka Ciraaq halka 10% ay kazoo jeedaan wadanka Soomaaliya.

Finland ayaa waxaa ay kamid tahay wadamada ugu badan ay tagaan soomaliya Yurub, kuwaasoo ka cararay dalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor