Dowlad weyn oo kusii dhowaatay ku biirista xulufada NATO, kana careysiiyey Ruushka

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland ayaa maanta sheegay inay doorbidayaan inay ku biiraan xulufada NATO, isla markaana go’aan rasmi ah la qaadan doono dhammaadka toddobaadkan kadib markii duulaanka Ruushka ee Ukraine uu beddelay aragtidoodii hore.

Kremlin-ka ayaa si deg deg ah ugu jawaabay in ka mid noqoashada Finland ee xulufada militari ee Reer Galbeedka “ay halis ku tahay” Ruushka.

Dalka deriska ah ee Sweden, oo si la mid ah Finland tobanaan sano aan ka tirsaneyn xulufo militari, ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu go’aankiisa ku dhowaaqo maalmaha soo socda marka ay kulmaan xubnaha xisbiga ra’iisul wasaare Magdalena Andersson ee talada haya.

Labada dal ayaa si aad ah loo rumeysan yahay inay si wadajir ah u gudbin doonaan codsigooda ku biiritaanka NATO.

“Xubinnimada NATO waxay xoojin doontaa ammaanka Finland, ayada oo xubin ka ah NATO, Finland waxay xoojin doontaa difaaca xulufada,” ayey ku yiraahdeen bayaanka.

Guddi gaar ah ayaa Axadda ku dhowaaqi doona doonista Helsinki ee ka mid noqoshada isbaheysiga.Moscow ayaa marar badan uga digtay Stockholm iyo Helsinki inay wajihi doonaan cawaaqib haddii ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor