Dowlad qaabishay Boqolaal Muhaajiriin ah oo la soo badbaadiyey

In ka badan 250 Muhaajiriin oo la socday Markabka Hay’adda Samafalka ee Sea Watch ayaa waxay goor dhow ku xirteen Dekedda Trapani ee Jesiiradda Sicily, halka Markab kale oo ay 550 Muhaajiriin ah la socdaan la siiyey Fasaxa uu berrito ku soo xiran karo Dekedda Jesiiradda Sicily.

Labada Markab Samafal waxay si Degdeg ah u codsadeen Deked Ammaan oo ay ku soo xirtaan, kadib, dhowr maalmood oo ay ku jireen Bartamaha Badda Mediterranean-ka, iyagoo ka digay xaallada ka sii darayso ee Caafimaadka Muhaajiriinta oo ay carruur ka mid yihiin.

Markab Labaad oo ay leedahay Hay’adda Gurmadka ee Ocean Viking oo ay la socdaan 549 Muhaajiriin ayaa loo oggolaaday inuu berrito oo Axad ah ku soo xirto Dekedda Pozzalo ee Jesiiradda Sicily ee Talyaaniga.

Dhinaca kale, Markab 3aad oo ay leedahay Hay’adda aan Dowliga ahayn ee NGO SOS Mediterranee waxay soo badbaadiyeen 555 Muhaajiriin, kuwaasi oo ilaa isbuucii hore taagnaa Xeebta Bari ee Jesiiradda sicily, si loo siiyo oggolaansho ay Dekedda ku soo xirtaan.

Markabkaasi waxaa horey loogu diiday inuu ku xirto Jesiiradda Malta, iyadoo Tunisia iyo Libya dhegaha ka fureysteen oggolaansho si uu ugu xirto mid ka mid ah Dekedaha ku yaalla dalalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor