Dowlad Afrikaan oo Laysinkii kala laabatay Telefishin Caalami ah

Afhayeenka Dowladda Algeria iyo Wasaaradda Warfaafinta ee dalkaasi, CAMAAR BALXAYMAR waxa uu ku dhawaaqay in la kansal gareeyey Laysinkii uu Telefishinka France 24 ka hawl-geli jirey Algeria.

Tallaabadaasi ayaa la sheegay inay timid, kadib, markii uu Telefisinka France 24 uu si mutuxan uga hor-yimid Hay’adaha Dowladda Algeria iyo in horey loo siiyey Digniintii u dambeysay si uu Telefishinka u joojiyo Baahinta Wararka ka dhjanka ahj Qaranka Algeria, waa sida hadalka loo dhigay.

Go’aanka ay Dowladda Algeria kala laabatay Laysinka Telefishinka France 24 waxay ku soo beegantay hal maalin kadib, markii ay Doorashooyinka Barlamaaniga ah ka dhaceen dalkaasi, iyadoo ay ku-dhawaad 70% Cod-bixiyayaasha qaadaceen Doorasadaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Islaamiga ee Dhaqdhaqaaqa Bulsho Nabadeed, C/risaaq Makri ayaa sheegtay inuu Xisbigiisa Guul Hordhac ka gaaray Doorashadii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacday Algeria.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor