Doplamasi Caalin oo Dhaliilay in xiligan Madaxda Dalka loo kala dabqaado

Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo ku sugan Wadanka Filland kana faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay  nasiib xumo tahay in waqtiga hogaamiyeyaasha siyaasada Dalka loo  kala dabqaado xilli wafuud ka socota Beesha Caalamka ay ku suganyihiin puntland si ay masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta Deegaanadaasi   uga dhaa dhiciyaan fulinta go,aankii Madasha wadatashiga  ee Muqdisho lagu gaaray 27-ka Bishii dhamatay.

Doplamaasi Caalin ayaa  sheegay in Madaxweyne Xasan uu ku saxnaa talaabadii uu Baarlamaanka ka ga codsaday  in loo baahan yahay in la dhowro shuruucda amniga ee gelitaanka goobaha muhiimka ah , darajo kasta qofku ha lahaadee.

Iyagoo ay Xildhibaanada mooshin ay kaga cabanayaan arintan in la baaro marka ay marayaan garoonka diyaaradaha u gudbiyeen Gudoonka.

Ugu Dambeeyn Siyaasigan ayaa sheegay in Dawlada kasocda Amisom ee howlgalka Soomaaliya ay ku fashilmeen arintan Ciidamada ah wuxuna saadaalinayaa in Amisom ugu dambeynii ay ku soo koobmi doonto Caasimada waa sida uu hadlka u dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor