Daawo:-Banaan bax rabshado watay oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax ka dhan ah sicir bararka, kororka qiimaha lacagta dollarka iyo diidmada ganacsatada ee lacagta shillinka  Soomaaliga.

Dibad baxaan ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal shacab ah oo isugu yimid ugu dambayn barxadda weyn ee Garoowe, iyagoona ganacsatada iyo Madaxda Puntland ugu baaqay in wax laga qabto baahidooda iyo dhibaatada haysata dadka danyarta ah.

Ciidanka ammaanka ayaa il gaar ah ku hayey dhaq dhaqaaqyada mudaharaadka, waxaana sidoo kale ka qaybgalay dad reer guuraa ah oo sicir bararku saameeyay.

Qaar ka mid ah banana baxyaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay ugu baaqen Ganacsatada iyo madaxda Puntland ay wax ka qabtaan kororka qiimaha lacagta dollarka iyo diidmada ganacsatada ee lacagta shillinka  Soomaaliga.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media