Doorasho Maanta ka dhaceysa Magaalada Hargeysa Soomaaliland

Maanta ayaa lagu wadaa in Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ay doortaan gudoomiyaha Golahaas kadib markii uu dhawaan iscasilay Gudoomiyahoodii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Sida qorshuhu ahaa doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa waxaa laga qaban doonaa Magaalada Hargeysa,waxaana u sharaxan ilaa 4 Musharax.

Sidoo kale waxaa todobaad kadib dhici doonta doorashada gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Soomaaliland kadib markii uu xilkaasi iska casilay Baashe Maxamed Faarax oo Maanta u tartamaya Gudoomiye.

Diyaar garowga doorashada ayaa saakay laga dareemayaa Magaalada Hargeysa,waxaana jira loolan adag oo ay wadaan Musharixiinta xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa is casilaadiisii waxa uu ku sheegay in uu u tartamayo jagada ugu sareysa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media