Doorashadda Turkiga: Madaxweyne Erdogan oo ay Murashixiin Mucaarad kula tartamayaan Xilkaasi

 

Muwaadiniinta dalkaasi waxay maanta safaf dhaadheer ugu jiraan Xarumaha laga codeynayo, si aycodadkooda ugu taageeraan hadba Murashaxa ay taageersan yihiin.

56.39 million oo Muwaadiniin Turkish ayaana la sheegay inay diyaar u yihiin inay codkooda dhiibtaan, iyadoo 53,34 million oo qof ka codeyn doonaan gudaha Turkiga, halka 3.05 million oo kalena ka codeynayaan dalalka Caalamka

Doorashadda Madaxtinimadda ayaana ah tan ugu adag oo indhaha lagu hayo, iyadoo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ay la tartamayaan ilaa 3 Murashax oo ugu miisaan culus yahay Muxaram Inji.

Madaxweyne Erdogan oo xilka hayey tan iyo sannadkii 2003-dii ayaa la sheegay inuu culays kala kulmi doono Doorashadda maanta oo ka xamaasad badan kuwii hore.

Doorashadda maanta waxa laga soo horumariyey Xilligii rasmiga ee loogu talagalay oo ahaa bisha November 3-da ee sanadka soo socoda ee 2019-ka, balse Barlamaanka dalkaasi waxay bishi iApril ee la soo dhaafay go’aansadeen in xilligaasi laga soo hormariyey in ka badan 18 bilood.

Xidbiga Caddaalada iyo horumarka ee (AKP) oo uu Madaxweyne Erdogan hoggaamiyo waxay ku soo biiray  Xisbiga Waddniyiinta Midigta Fog ee MHP si ay Isbahaysi u samaysteen Doorashadda maanta, iyadoo Madaxweyne Erdogan loo doortay Murashaxa Isbahaysiga ee u taagan Madaxtinimadda dalkaasi.

Erdogan oo shalay ka hadlay dhowr Dibadbax oo ka dhacay magaalladda Istanbuul waxa uu dadka ku booriyey inay u soo baxaan Doorashadda maanta, si ay u wada codeeyaan.

Murashaxa laga cabsi qabo inuu Madaxweyne Erdogan ku ciriiriyo Xilkaasi ayaa ah Muxaram Inji oo hoggaamiya Xisbiga Republican People’s Party.

Madaxweyne Erdogan oo ay la tartamayaan 3 Murashax ayaa la sheegay inuu yahay siyaasi Khibrad leh oo awood u leh inuu ku guuleysto Doorasho kasta muddadii uu xilkaasi hayey.

Haddii uu Madaxweyne Erdogan ku guuleyst oDoorashadad maanta waxa uu awoodi doonaa in uu isaga la wareego guud ahaan Awoodda Golaha Fulinta ee Dowladda.

Waxa meesha ka bixi doona xilka Ra’isul-wasaaraha, ee uu Madaxweyne Erdogan  xilalkaasi ku soo caana-maalay.

Xilligan, Turkiga waxaa weli saaran Xukunka Degdegga ee lagu soo rogay markii uu fashilmay Afgembigii Dhicisoobay ee dhacay bishii July 15-dii ee  sannadkii 2015-kii

Madaxweyne Erdogan waxa Doorashadda maanta looga baahan yahay inuu helo 50% Codadka Doorashadda, haddii uusan helin tiradaasi waxaa uu Doorasho kale la geli doonaa Murashaxa kale ee ugu dhibcaha sarreeya.

Wareegga 2-aad ee Doorashadda Madaxtinimadda Turkiga waxaa lo ocodeyn doonaa bisha soo socota ee July 8-da.

Ra’yi-ururin laga qaaday dadka Turkiga muddadii u dhexeysay bishan 14-dii ilaa 20-dii waxay muujinaysaa inuu Madaxweyne Erdogan ka heli doono Doorashadda maanta codad dhan 51.6%.

Saddexda Murashax ee la saadaalinayo inay Madaxweyne Erdogan ku ciriiri karaan Doorashadda maanta waxay kala yihiin:-

Murashax Muxaram Inji oo ka socda Xisbiga Jamhuuriga ee Republican People’s Party CHP uu heli doonaa codad dhan  28%,

Murashaxa Salaaxudiin Demirtus oo ka socda  Xisbiga Peoples’ Democratic Party (HDP)   waxa la saadaaliyey inuu heli dooo 10.3%

Murashax Meral Aksener oo ka tirsan Xisbiga  The Nationalist Movement Party (MHP) waxa la saadaaliyey inuu heli doono 8.5%

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Erdogan oo Aqlabiyad fiican ku dhex leh dadka Turkish-ka ayaa la rajeynayaa inuu mar kale ku guuleysto Xilkaasi, iysadoo laga tusaala qaadanayo Waxqabadkiisii oo horey loo soo tijaabiyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor