Doorashada Xubnintii Xildhibaanimo ee uu waayay Sambaloolshe oo beri ka dhaceysa Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 27/1/2018 lagu qabto doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya.

Kurigaan ayaa taliye Sambaloolshe waxa uu ku waayay kadib markii uu noqday taliyaha ciidanka Nabad-Sugida,waxana la filayaa in uu mar kale u tartamo Xubinta Xildhibaanimo Sambaloolshe.

Gudiga doorashooyinka Qaran ayaa horay u soo banhigay shuruudaha looga baahan yahay Shaqsiga u tartamaya Xubinta xildhibaanimo oo ay u tartami doonaan dad ka soo jeeda Beesha Xawaadle gaar ahaan Cali Madaxweyne.

Lix musharax ayaa kurigaas Beri ku tartami doona kuwaas oo isdiiwaan geliyay isla markaana buuxiyay Shuruudihii laga rabay sidoo kalena bixiyay lacagtii isdiiwaan gelinta oo aheyd shan kun oo dollar ($5,000), waxana ka dhex muuqda Siyaasitiin Caan ah.

Dadka ugu cad cad ee kursigaan ku tartami doona ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Daahir Cabdulle Cawaale oo ka mid ahaa musharixiintii la tartantay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubno kale.

Hoos Ka Akhriso Magacyada musharixiinta Beri ku tartami doona Xubinta baarlamaan ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

1:- Cali Cabdullaahi Cosoble

2:- Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe

3:- Nuur Iidow Beyle

4:- Xuseen Axmed Geelle

5:- Dahabo Xasan Axmed

6:-Dahir Cabdulle Cawaale

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media