Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Maanta Ka dhaceyso Cadaado

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Cadaado lagu doorto madaxweynaha cusub e Galmudug, iyadoo magaaladaaasi ay gaareen wafuudii loogu talagalay inay goobjoog ahaadaan doorashada.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dooranaya madaxweyne cusub, maadaama madaxweynihii hore ay kalsoonidii kala laabteen mudanayaasha baarlamaan goboleedka Galmudug.

Waxaa u sharaxan xilka madaxweynaha Galmudug ilaa seddex mudne oo kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf,
Cabdiqadir Maxamed Shirwac iyo Axmed Shariif Hilowle oo maalin ka hor baarlamaanka ka hor jeeday khudbadahooda waxqabadka.

Wasiiro uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax juxa, xildhibaanada laga soo doortay Galmudug ayaa ku sugan Cadaado, si ay marqaati uga Noqdaan doorashada madaxweynaha Maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media