Dhageyso:Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyay in ay dhaceyso Berri oo 30-ka bisha ah

Gudiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa shaaciyay in maanta Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha ay hortagayaan Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulkaasi,oo waxa ay jeedinayaan khudbadahooda Musharaxnimo.

Gudoomiyaha Gudiga doorashada Galmudug Maxamed Xasan Geele ayaa wareysi uu siiyay Radio Dalsan waxaa uu ku sheegay in jadwalka doorasho sidii loo dajiyay aan waxba laga badalin,waxaana uu sheegay in maanta ay qorsheeyeen in 3-da musharax ee u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug in ay jeediyaan khudbadahooda maalinta Berrita ahna ay dhacdo Doorashada Madaxweyna Maamulkaas.

Halkan ka dhagesyo Xildhibaan Geele Gudoomiyaha Gudiga:

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media