Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Ka Bilaabatay Cadaado

Waxaa goor dhow xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ka bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulkaas oo ay u taaganyihiin Seddex musharax oo kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Prof. C/qaadir Shirwac oo ku loolamaya doorashada madaxweynaha Galmudug.

Waxaa codeynaya xildhibaanada baarlamaan goboleedka Galmudug, iyadoo codkooda ay dhiiban doonaan 89- ka mudane ee baarlamaanka Galmudug, kuwaasoo hada ku sugan xarunta doorashada.

Musharaxiinta u tagaan qabashada hogaanka Galmudug  ayaa maalin ka hor jeediyey khudbadahooda waxqabadka, iyagoo baarlamaanka ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida.

Madasha doorashada waxaa ku sugan kor joogte marqaati ka noqoneysa doorashada Galmudug, iyadoo uu ku suganyahay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa oo shalay gaaray magaalada Cadaado.

 

 

 

almudug:-

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media