Doorashada Kursi Ka Mid ah Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhaceysa Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in Khamiista Maanta ah oo ku beegan 15/2/2018 ay ka dhacdo doorashada kuris ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursigaan ayaa ah mid uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Wasiirkii Howlaha guud iyo Guryenta Xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji,iyada oo ay ku tartami doonaan musharixiin farabadan.

Laba Maalin ka hor waxaa Kismaayo gaaray Xubno ay hogaamineysay Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey) taas oo shaacisay in doorashadaas ay khamiista ka dhaceyso Kismaayo.

Waxa ay sheegtay in  ay hagaajiyeen iskudaba-ridka doorashadaas iyo sidii loo hubin lahaa Ergada wax dooraneyso,sidoo kalena ay ka fikirayaan dhanka Ammaanka.

Ergada wax dooraneysa iyo sidoo kale musharixiinta Kursigaas oo uu ka mid yahay Walaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo lagu Magacaabo Maxamuud Siraaji ayaa ku sugan Kismaayo kuwaas oo doorashada isku diyaarinaya.

Dhinaca kale shalay waxaa doorashada isaga haray Wasiirka Howlaha Guud Iyo Guryenta Soomaaliya Saadaq Cabdullaahi Cabdi kaas oo ka mid ahaa musharixiinta balse la sheegay cadaadis uga yimid Madaxtooyada aawgeed uu ku haray.

Gudiga doorashooyinka ayaa qorsheynaya in ay dhameystiraan doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka oo ay ka harsan tahay Saddex Kursi,waxaana dhawaan doorasho kursi ka mid ah Golaha Shacabka ay ku qabteen Jowhar ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo ka guuleystay taliyihii hore ee Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media