Doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Jowhar

Maalinta Berito ah oo Aaxad ah kuna beegan 28/1/2017 ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ay ka dhacdo doorashada Kursiga Xildhibaanimo ee uu waayay Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Doorashada Kursigaas ayaa waxaa ku tartami doono lix Xubnood oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii Hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa waxa ay sheegeen in doorashadaas ay la socdaan isla markaana ay sicadaalad ah ku dhici doonto.

Doorashadaan Xubinta Golaha Shacabka ah ayaa ah mid xasasi ah,waxaana xiiso u yeelaya taliyihii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabddullaahi Cosoble.

Lixda Musharax ee manta ku tartamaya doorashada xubin ka mid ah Golaha Shacabka Magacyadooda Hoos Ka Akhriso.

1:- Cali Cabdullaahi Cosoble

2:- Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe

3:- Nuur Iidow Beyle

4:- Xuseen Axmed Geelle

5:- Dahabo Xasan Axmed

6:-Dahir Cabdulle Cawaale

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media